{DAAWO SAWIRADA} Yuusuf Dabageed oo kulankii Ugu Horeyay la qaatay Madaxa Xafiiska QM ee G/Hiiraan

0
843

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo ay weheliyan Xubno ka Tirsan maamulka gobolka Siyaasiin, Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa maanta kulan is barasho ah la qaatay Madaxa Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Gobolka Hiiraan Mr,Magnus Bjarnason.

Kulan  lagu qabtay deeganka Ceel jale halkaaso uu ku yaalo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob joog ka ah Taliyaha Ciidanka jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cismaan dubada , wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladii KMG aheyd Cali Cabdulaahi Cosoble,

Guudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar  iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee gobolka Hiiraan Mr,Magnus Bjarnason ayaa ka wada hadlay siidi labada dhinac ay u yeelan lahayeen wada shaqeeyn buuxda iyado labada masuul ay isku afgarteen in hadda   laga bilaabo ay yeeshan wada shaqeyn buuxda.

Gabagabadii Waa Markii ugu horeysay oo ay kulmaan Maamulka Cusub ee Gobolka hiiraan Iyo Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Gobolka hiiran Tan iyo Markii Maamulka Cusub uu baladweyne so garay.

shir dabageed iyo wafdi UN ah  (1) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (2) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (3) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (4) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (5) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (6) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (7) shir dabageed iyo wafdi UN ah  (8)