{DAAWO SAWIRADA}Baraf Dabeylo Xoogan Wata Oo ka Da’aya Gobolo Kuyaala Dalka Mareykanka

0
474
People walk in the falling snow near the U.S. Capitol in Washington January 22, 2016. REUTERS/Jonathan Ernst

Qaar kamid ah Gobolada Dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa kuyaala bariga dalkaasi ayaa waxaa ka da’aya baraf wata dabeylo xoogan , waxaana la sheegay in barafkan dabeylaha wata uu soconayo ilaa 30-saacadood.

Waxaa xaalad deg deg ah looga dhawaaqay Lix gobol oo ku yaalla bariga dalka Mareykanka kuwaa oo barafka dabeylaha wata ay ku badan yihiin, waxaana dadka degan goboladaasi lagu amray in ay ku nagaadaan guryhaooda.

Barafka dabeylaha wata ee ka da’aya dalka Mareykanka ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeelanayo in kabadan 80 malyuun oo Maraykanka ah oo degan gobollada bari, waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada ilaalada qaranka dalka Mareykanka.

Caasimada dalka Mareykanka ee Washington ayuu saameyn badan ku yeeshay barafkan, waxaana la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee basaska, waxaa sidoo kale la joojiyay kumanana duulimaad oo ka bixi lahaa ama imaan lahaa garoomada diyaaradaha ee ku yaalla, Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo garoomo kale.