{DAAWO SAWIRADA}Ciidamada Xoogga Dalka Ee Ka Howlgala Cadaado Oo La Siiyay Mushaaraadkooda

1
400

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta loo qeybiyay mishaaraadka Ciidamada, iyadoo sida ay u qaadanayeen ciidamada mishaaraadkooda kormeeray saraakiisha ciidamda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee u xilsaaran bixinta mishaaraadka wakiilna ka ah hogaanka sare ee CXDS.

Askarta qaatay mishaaraadka ayaa tiradoodu eheyd 230 askari, iyadoo la marsiiyay nidaam sugan kana hufan wax isdaba marin, waxaana askartaasi ay sheegeen in mar walbo ay u taaganyihiin gudashada waajibaadka Qaran oo ay u dhaarteen.

Korneel C/llaahi Yuusuf Cabdulle oo ka tirsan hogaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegan in Amar ka soo baxay Taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah in la saxo qaabka ciidamada ay u qaadanayaan mishaaraadka Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in saraakiisha ugu sareysa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ciidamada.

Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu tayeynayo Ciidamada, iyadoo lagu wado saacadaha soo socda in saraakiisha ka socota Taliska Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyana ay geeyaan xeryaha kale oo ay ku jiraan Qeybta 21-aad CXDS kuwaa oo ka howlgala gobolada Galguud iyo Mudug.

DSC03517DSC03569DSC03570DSC03571DSC03573DSC03574DSC03575

Comments are closed.