{DAAWO SAWIRADA}Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Jabuuti Ee AMISOM Oo Xalay Sagootin Loo Sameeyay Magalada B, weyne

0
551

Munaasabad lagu sagootinayay ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baledweyne, taasi oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ahayd mid lagu sagootinayay cutubyo ka tirsn ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti, halka lagu soo dhaweyanyay kuwa kale oo ka howlgeli doona gobolka Hiiraan, iyadoo faniin goobta heeso ka qaaday ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidamada la sagootinayay.

Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo ka hadlay aya sheegay inay aad ugu faraxsanyiiin waxyaabaha ay u qabteen ciidamada AMISOM.

Guddomiyaha Beledweyne Macalin Cismaan Cadbi Qalaafoow ayaaa sheegay in shacabka aysan hilmaami doonin tallaabadiii cidamada AMISOM ay ka qaateen sugidda amiga degmada Beledweyn

Kornayl Tawane Axmed Gureey oo ah taliyaha guutada tobnaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan ay door badan ka qaateen dhanka howlgallada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

Kornal Cismaan Dubad ayaa ka mahadceliyay saddexda sano iyo barka sida ay ula dhaqmeen shacabka reer Jabuuti, waxaana uu intaa raaciyay in qalbiyadoodu aysan ka go’I doonin bulshada gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in bulshada iyo intii ka horeysay ay faah faahin rasmi ah ka bixiyeen waxqabadka ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, isla markaana qeyb ka ahaa howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu intaa ku daray in cutubyo kale ay iminka ka joogaan gobolka, lana shaqeeyo sida ugu haboon.

“Ciidamada hil walaal ma tegin ee way joogtaa, ee sida aan ula shaqeyn jirnay aan ula shaqeyno, runtii waxa ay inoo qaban jireen haddana diyaar ayay weli inoo yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Damashadka Hobolada Waabari (12)Damashadka Hobolada Waabari (11)Damashadka Hobolada Waabari (10)Damashadka Hobolada Waabari (9)Damashadka Hobolada Waabari (8)Damashadka Hobolada Waabari (7)Damashadka Hobolada Waabari (6)Damashadka Hobolada Waabari (5)Damashadka Hobolada Waabari (4)Damashadka Hobolada Waabari (3)Damashadka Hobolada Waabari (1)