{DAAWO SAWIRADA}Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Amar Ku Bixiyay In La Joogteeyo Qaadista Canshuuraha

0
345
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Maanta koormeer ku tagay Degmooyinka Kaaraan iyo Shibis, waxa uuna halkaasi kula kulmay Maamulada Degmoyinkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa degmooyinkii uu koormeray maamuladooda waxa uu kala hadlay xoojinta iyo dardar gelinta qaadista Canshuuraha guryaha.

Waxa uu sidoo kale kala hadlay Maamulada Degmooyinkii uu koomeeray iney ka shaqeeyaan hormarinta iyo wacgelinta Bulshada.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo koormeerka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka koormeerkan uu ahaa in Gudoomiyaha Gobolka uu ogaado shaqada ay hayaan Maamulada Degmooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Maamulada degmooyinka uu koormeeray kala hadlay iney dhaqan geliyaan amaro dhawaan ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka.

 Img Description