{DAAWO SAWIRADA}Qaabka Uu Maanta U Furmay Shirka Wadatashiga Qaran Ee Magaalada Kismaayo

0
287

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee maanta 14 Janaury 2016, ka furmay magaalada Kismaayo, ayaa waxaan jirin guul lataaban kara oo kasoo baxay wajigiisa hore ee maanta.
Waxaa Hoolka shirka uu kasocday khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda Dowlada iyo kuwa Gobolada dalka kuwaasi oo dhamaantooda abaaray boogta.

Shirka oo diiradda lagu saarayay sidii madaxda Soomaalidu iskugu raaci lahayd hal nooc oo loosoo xulayo xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare ee dowladda Soomaaliya ka dhalanaysa dhammaadka sanadkaan 2016.

Waxaa hadda miiska saaran in Xildhibaanada lagu soo xulo hanaanka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo qaab deegaan ahaan. Madaxda Somalida ayaa ku kala qaybsan noocii la qaadan lahaa.

Dowlada Somalia ayaa wali dultaagan fakirka ah in Somalia ay kusii jirto nidaamkeeda, inkastoo Madaxweyne Xasan laga dhaadhicinaayo inuu ku dhexmilmo kuwa Gobolada.

Madasha shirka ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaa Wakiilada Beesha Caalmak oo la sheegay inaysan intooda badan joogin Kismaayo oo ay dib ugu laabteen xarumahooda.