{DAAWO SAWIRRO} Kismaayo oo u diyaar garowday marti-galinta shirka wada-tashiga Soomaaliya

0
780

Magaalada Kismaayo oo saldhig u ah maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa looga diyaar garoobay marti-galinta shir weynaha wada-tashiga oo 10 bishan Janaayo ka dhacaya.

Madaxweynaha Jubbaland,Sheekh Axmed Madoobe oo maalmahan kormeer ku waday sida ay usocoto qabanqaabada shirka madasha wadatashiga qaran oo shan cisho kaliya naga xigto furitaankiisa, ayaa xarigga ka jaray hoolka lagu qabanayo shirkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland,Cabdiqaar Lugadheere ahna guddoomiyaha guddigii qabanqaabada shirka oo furay munaasabadan ayaa sheegay inay farxad wayn utahay inay soo gababeeyaan dib uhabayntii lagu waday goobta lagu ballansanyahay in lagu soo dhaweeyo madaxda Soomaaliyeed oo dhan, waxaana uu sheegay inay diyaar uyihiin soo dhaweeynta madaxdaasi.

23 25 27 30 33 42 52 72 92 110 111 121 131 151 (1) 151 331 IMG_8004-1024x683