{DAAWO SAWIRRO} Madaxweynaha Puntland oo xarig-jaray madaxtooyadda Qardho iyo sida loogu soo dhaweyey

0
740

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo  shalay  si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar ayaa halka ka xarig-jaray mashaaric dhowr ah oo ay dowladdu ka hirgalisay.

Wafdiga madaxweynha ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, XIldhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Wetiga Madaxweynaha aya intii ay jidka kusoo jireen waxaa ay kusoo hakadeen tuulada Shire halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu dadkii soo dhaweeyey uu mid mid u gacan qaaday.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib soo gaadhey Degmada Qardho ,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen boqollaal dadweyne ah kuwaas oo si aan kala har lahayn ugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu soo gaadhey magaalada Qardho meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha magaalada kuwaas oo ilaa shalay diyaar garoow ugu jirey sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, islamarhaantaana uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha maamulka  Puntland ayaa intaasi kadib dhagax dhigay Xarunta Guriga Gobolka Karkaar isagoona Xarigga ka jaray Dhismaha Madaxtooyo Cusub ee magaalada Qardho, taas oo Dawladda Puntlan ka hirgelisey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

IMG_2198 IMG_2288 IMG_2459 IMG_2468 IMG_2483 IMG_2497 IMG_2513 IMG_2592 IMG_2598 IMG_2611 IMG_2633 IMG_2640 IMG_2657 IMG_2659 IMG_2698 IMG_2724 IMG_2734 IMG_2738 IMG_2777 IMG_2800