{DAAWO SAWITADA} Raiisal Wasaarihii hore dalka Cabdiweli Shiikh Axmed oo Casumaad loogu sameeyey Boosaso

0
324

Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed Iyo Wafdi uu hoggaaminayey oo maalmahanba ku sugnaa Boosaaso ayaa Casumaad loo sameeyey casho  ah,waxaana kamid ahaa Wafdigiisa Dr Baadiyow ,Xildhibaan Cabdi Barr.

Casumaada oo ay fidiyeen Maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaaso,Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu qabtay Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso.

Waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Amniga ,Arrimaha gudaha,Wasiir kuxigeenada Maaliyadda Iyo Ganacsiga ,siyaasiyiin,ganacsato,aqoonyahan ,Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Duqda degmada Bosaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud oo hadalka qaatay ayaa Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed Iyo Wafdigiisa kusoo dhaweeyey magaalada,waxaana uu sheegay iney ku faraxsan yihiin imaatinkooda Bosaso

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa isna sheegay iney Riisal Wasaarihii hore iyo Wafdigiisa dhulka ay yimaadeen yahay dhulkoodii mar kastana ay iman karaan taasina ay farxad u tahay.

Wasiirka Amniga Cabdiarjab Iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Axmed Karaash ayaa labadooduba tilmaamay in soo dhaweynta ay ka turjumeyso Puntland iney mar kastab diyaar u ahayd in dalku ka gudbo Xaalada burbur ,Puntlandna tahay hooyada Federaalka.

Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran ay shacab iyo mamul iyo dowladba loogu sameeyey Puntland,wuxuuna xusay in marar badan uu yimid Boosaaso imana doono mar kasta

DSC_1121 DSC_1123 DSC_1161 DSC_1163 DSC_1168 DSC_1188 DSC_1219 DSC_1222 DSC_1224 DSC_1225 DSC_1229 DSC_1230 DSC_1232 DSC_1235 DSC_1237 DSC_1244 DSC_1247 DSC_1250 DSC_1254 DSC_1257