{DAAWO SWIRADA} Sida ay ciidamada Itoopiya Loga Dajiyay Magalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose

0
608

Xaflad lagu soo dhoweynayo ciidamo cusub oo ka socda dalka Itoobiyaislamarkaana qeyb ka ah kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidamdan oo ay soo daabulayeen diyaarado UN.ka leeyahay ayaan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland, saraakiisha ciidamada Kenya iyo waliba saraakiil ka socota ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waa qeybtii ugu horreysay ee ciidamada Itobiya ee la keeno magaalada Kismayo, waxaana maalmaha soo socda lasoo dhameystiri doonaa inta hartay.

Ciidamadan ayaa waxa ay badaleen ciidamada Sierra leone ee halkaasi isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii tagay (2015).

itoopiyan (3) itoopiyan (4) itoopiyan (5) itoopiyan (6) itoopiyan (2)