DED DEG Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

0
344

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta lagu wada inuu gaaro Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay halkaa oo ay ka dhacayso Xaflad lagu Caleemosaarayo Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekh-una Maye.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota Saaka qaban qaabada Xafladda Caleemosaarka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed,waxaana ka qeyb gali doona Madax ka socota Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira qaarkood.

Sidoo kale Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo badan oo iskugu  jira kuwa Dowladda Soomaaliya,kuwa Maamulka Koofur Galbeed iyo AMISOM la dhigay wadooyinka.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koofur Gabeed  C/qaadir Shariif Sheekh-una Maye ayaa horay u sheegay in Baarlamanka uu hogaamiyo uu wax qabad la imaan doono.