DEG DEG AL.shabaab Oo Werar Ku Qaaday Saldhig ay Leyihiin Ciidamada Kenya

0
335

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel-cade oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in degaankaasi saakay aroortii uu ka qarxay dagaal ku bilowday gaari laga soo buuxiyay Qarax oo ay ku qaadeen al.shabaab Xero ay lahaayen ciidamada Kenya,

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay xero Malitariga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo,waxaana Qaraxa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dagaalyahanada Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya.

Dadka Deegaanka oo ayaa sheegay iney maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo xerada Ciidanka Kenya ka dhex dhaceysay,waxayna tilmaameen in cabsi badan ay dareemeen.

Ma jiro wax warar ah oo la xiriira qasaaraha dagaalka balse weli waxaa socda dagaalka oo la maqlayaa rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayaan.waxaana Ciidanka la weeraray ay qeyb ka yihiin AMISOM.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa dhowr saldhig ku leh gobolka Gedo. ceelcade waxay 60-km jirtaa magaalada Garbahaareey u dhowdahay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.