DEG DEG:- Madaxweynaha Jabuuti Oo Kusoo Wajahan B,weyne

0
564

madaxweynaha jamhuuriyada dalka jabuuti mudane cismaan ciil cumar geele ayaa  ku soo wajahan magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan si uu uga qeyb galo munaasabad ay ku kala wareegayaan ciidamada jabuuti oo qeyb ka ahaa howl galka amisom ee nabad ilaalinta midowga Africa .

ciidamada hiil walaal ee jabuuti ayaa is badal lagu sameynayaa maadaama uu kuwii hore uu waqtigoodii dhamaaday kuwa cusub oo hiil walal ahna lagu badali doono.

munaasabada lagu kala wareejinayo ciidamada hiil walaal ee jabuuti ee amisom ayaa waxa kasoo qeyb gali doona madaxweynaha jabuuti mr geele iyo madax ka tirsan dowlada soomaaliya

waxana magalada beledweyne laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha jabuuti waxaana la adkeeyay amaanka magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

WAXII WARAR AH OO KUSOO KORDHA IMAATINKA MADAXWEYNAHA JABUUTI HALKAN AYAAN IDIINKUGU SOO GUDBIN DOONAA IN SHA ALLAH