DEG DEG Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Jowhar

2
379

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ka tagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ,waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Gobolka Hiiraan iyo xumna kawada tirsan Dowladda.

Madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay Hoolka uu ka furmi doono Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaa ka Furo Shirka Maamulka loogu sameynayo  Gobolada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo Adkeeyay,iyadoo magaalada la dhigay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ah kuwa sida gaarka ah u Tababar.

Madaxweynaha ayaa sido kale la filayaa in marka uu Furo Shirka u kicitimo Magaalada Kismaayo oo uu ka furo Shirka Madasha Qaran.

Comments are closed.