DEG DEG Masuuliyiin Ku Dhaawacmay Werarkii Xeebta Liido Iyo Qasaaraha Oo Kordhay

0
869

Faah faahin dheraad ah ayaa ka soo baxeyso weerarka lagu qaaday caawo maqaayada Beach View ee magaalada muqdisho waxaana wali la maqlayaa Qaraxyo culus oo goobta ka dhacaya iyo rasaas daba socota.

Dad ku dhow dhow xeebta ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday ay dhismaha Baarka ka dhex ridayaan Rasaas, Ciidamada Dowlada ay isku dayayaan inay gudaha u galaan dhismaha Baarka la weeraray.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay rasaasta ka ridayaan hareeraha baarka la weeraray, waxaana dhacaya rasaas ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise oo la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid dhex dhexaad ah, waxaana sidoo kale ku jira dadka dhaawacmay masuuliyiin kale iyo dad rayid ah oo halkaasi ku damaashaadaayay.

Baarka la weeraray ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceysay xaflad aroos ,waxaa sidoo kale gudaha baarkaasi ku sugnaa dadweyne kala duwan iyo masuuliyiin.

Caawo jawiga Xeebta Liido yaa ah mid kacsan waxaana wali socda rasaas xoogan, mana jirto cid si gaar ah oo hada cagaha u dhigi karto xeenta Liido, maadaama ay rasaas ka dhex socto.

Waxii Warar ah kala soco Warar Kena Dambe Inshaa allaah:-