DEG DEG Wasiirka Amniga Gudaha Oo Gaaray Magaalada Bullo-burde Ee Gobolka Hiiraan

0
419
????????????????????????????????????

Wasiirka amniga qaranka soomaaliya mudane c/risaaq cumar maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa ayaa goor dhaaw gaaray magalada Bullo-burde ee Gobolka hiiraan.

Ujeeydka wafdigan Wasiirka amniga ayaa ah ka qeyb galka xaflad xariga looga jaray garoonka diyaaradaha degmada bullo-burde oo dhawaan dib u dayactir lagu sameyay.

Mudane C.risaaq cumar wasiirka amniga qaranka waxa garoonka diyaaradaha Bullo-burde ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan ka Degmada saraakiisha ciidamada AMISOM xildhibaani wasiiro horay ugu sugnaa magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Bullo-burde,

Sacadaha soo socda ayaa la fillayaa in xariga laga jara garoonka diyaaradaha Degmada bullo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Kala soco wararkena dambe xarig jarka Garoonka Magaalada Bullo-burde in shaa allaah.