Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Dad Shacab ah Oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaanka Siinka-dheer

1
365

Degaanka Siinka-Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho Wararka aan ka heleyno waxaa ay sheegayaan in halkaas uu Dagaal ka dhacay kaas oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Dadka Degaanka.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilowday kadib markii Ciiidanka Dowladda ay Dadka ku bilaabeen in ay ka bixiyaan Guryaha ay dagan yihiin balse arrintaas ay ka horyimaaden qaar kamida Dadka Deegaanka sida lasheegay.

Waxaa  wararku sheegayaan in 1 qof uu Dagaalkaas u dhintay halka dhaawacuna uu intaas ka badan karo.

Sidoo kale Dadka Daganaa Siinka-Dheer ayaa isaga cararay Xaafadahooda  si-uusan saameyn Dagaalku ugu yeelan.

Qaar kamida Dadka isaga Cararay Guryahooda oo lahadlay warnahinta  ayaa waxaa ay sheegeen in hada Xaladoodu adag tahay ayna ku jiraan  Dad danyar oo aanan awoodin in ay baxaan.

Wali Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir midna kama hadlin Arrintan, waxaase jirta Burburinta Guryo lagu lasheegay Sharci daro oo Muqdisho ka socday.

 

 

Comments are closed.