{DHAGEYSO} Ergo Ka Soo Jeeda Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Magaalada Jowhar

0
268
????????????????????????????????????

Ergo ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka socday Gobolka Hiiraan ayaa munaasabad soo dhaweynayo xalay lagu qabtay magaalada Jowhar uu ka socda Shirka maamulka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe,

Xaflada oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya,Saraakiil ciidan,waxgaradka ka soo kala jeeda Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo madaxda maamulka maamulka Gobolka Sh/dhexe iyo marti sharaf kale,

Ugu horeyn,waxaa munaasabada lagu soo dhaweynayay ergada ka socotay Gobolka Hiiraan waxana ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo sheegay iney soo dhaweynayaan ergada shirka,islamarkaana wax muhiim u yihiin sameynta maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya dadaal dheeri ah ku bixineyso sidii maamul mideysan ay u yeelan lahaayeen Shacabka Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 12’kii bishaan degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ka furay shirka maamul u sameynta Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe,waxaana hada magaaladaasi ka socda dadaalo la doonayo in lagu qanciyo beelaha wali tabasho ka qaba shirka.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka:-