{DHAGEYSO} Faah Fiihin Dheraad ah Oo Ka Soo Baxeyso Dagaal Shabaab iyo Dadka Degaanka Ku Dhexmaray Gobolka Hiiraan

0
424

Dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka mooro iri ee hoostaga  degmada maxaas ee gobolka hiiraan waxana dagaalkaasi uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh  oo soo gaartay labada dhinac ee dagaalamaya

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada hiiraanweyn ee magalada beledweyne ayaa sheegaya in uu dagaalku ahaa mid saacado badan socday isla markaana uu khasaaro badan dhaliyay waxana dadka qaar ay noo sheegeen in khasaaraha dagaalka uu aad u badnaa dagaalkana uu mudo socday.

Duqa degmada buulo burte cismaan geedi oo la hadlay radio hiiraanweyn ayaa shegay in dagaalka uu bilowday shalay galab kadib markii shabaab ay isku dayen iney xoog ku wataan ari ay lahaayen dadka degaanka,

‘’Dadka degaanka ayaa iska celiyay shabaabkii burcadaka ahaa ee donayay iney ka xestaan tiro ari ah oo ay lahaayen dadka degan degaan taasina waxa ay sababtay dagaal halakasi ka dhaco cidmada dowlada ayaa gurmad u sameyay dadka degaanka ee la dagaalamayay kooxda nabad diidka waana ka guul gaarnay sidaasi waxa yiri’ Duqa Degmada Buulo burte Cismaan Geedi,

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:-