{DHAGEYSO} Gabdhaha Reer Hiiraan” Ugaas Cabdiraxmaan Waxa Uu Ahaa Aabihii Hormarka iyo Nabadeynta Dadka Soomaaliyed

0
550

Allaha u naxariiste waxa shantii bishan lagu aasay degaanka daaro ugaas oo hosyimaada degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan marxuun ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif ugaas rooble oo 3-1-2016’ka ku geeriyoday Magaalada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,

Gabdhaha reer hiiraan ee ka qeyb galay aaskii loo sameyay allaha u naxariiste marxuum ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ayaa shegay inn dadka reer hiiraan ay siweyn kaga qeyb qaaten aaska ugaaska iyo soo dhaweyntii u sameyen dadkii ka qeyb galayay aaskii ugaas c.raxmaan,

Sucaada Diiriye iyo Farxiya Xaaji Muumin Cali oo la hadlay Radio hiiraanweyn kana mid ahaa gabdhihii ka qeyb galay aaska ugaas cabdiraxmaan ayaa shegay in ugaaska uu ahaa shaqsi ay wada jeclaayen dadka soomaaliyed islamarkaana ka shaqeyn jiray hormarka Dalka iyo dib u heshiisinta dadka soomaaliyed,

‘’Waxa u mahad celineyna dhamaan dadkii ka qeyb qaatay aaskii loo sameyay marxuum ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif iyo dadka reer hiiraan oo soo dhaweyay dadka martida ahaa iyo maamulka Gobolka waxana ay taasi ka turjumeysa sida dadka soomaaliyed uu qaaliga ugu ahaa allaha u naxariiste Ugaas Cabdiraxmaan ugaas khaliif Ugaas Rooble’ Sidaasi waxa yiri Sucaada Diiriye iyo Farxiya Xaaji Muumin Cali,

Marxuum ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif oo kamid ahaa ugaasyada soomaaliyed kuwooda loogu jecelyahay ayaa waxa lagu xasuusan doona kaalintii iyo dadaalkii uu ugalay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka soomaalida isagoona marwalbo dhihi jiray halaga shaqeyo islaax beyna naas,

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Gabdhaha:-