{DHAGEYSO} Kulan Loogu Duceynayay Ugaas C.Raxmaan Oo Lagu Qabtay London

1
519

Kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Marxuun Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khalif Ugaas Rooble ayaa lagu qabtay Holka Shirarka ee Capital City ee ku yaalla magaaladda London ee cariga Britain, waaxaa ka soo qeybgalay kulankaasi aqoonyahano, culimaa’udiin, Ugaasyo, siyaasiyiin, bahda Saxaafadda iyo Sports-ka.

Dadweyanahii ka soo qeybgalay kulankaani loogu duceynayay marxuun Ugaas Cabdiraxmaan , waxaa ay ku wada tilmaamay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble inuu ahaa shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnimada Soomaaliya iyo siddii loo heli lahaa wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo u gargaaridda dadka dhibaateysan.

 

kulankaani loogu duceynayay Allaha u naxariistee marxun Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Gabadha Reer Hiiraan ee ku dhaqan London, waxaana si gooni ah loogu mahadceliyay soo qabn qaabiyaasha kulanka Marwo Sacdiyo Cumar Xobor, Maryan Xaamud, Luul Cumar Cali, Aamino Sheekh Cali, iyo qaar kale oo fara badan.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:-

Comments are closed.