{DHAGEYSO} Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Tacsiyadeyay Geridii Ugaas C.Raxmaan Ugaas Khaliif

0
353

Allaaha u naxariiste geerida  ugaas C.raxmaann ugaas qaliif oo kamid aha duubabka  dhaqanka somaliyed oo ku geriyoday degmada baledweyne ayaa waxa ka tacsiyadeyay maamulka gobolka hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan b.weyne.

Geerida ugaaska ayaa waxa ka tacsiyadeeyay Maamulka Gobolka hiiraan iyo kan degmada b.weyne waxa ayna umada soomaaliyed kaga tacsayadeyen Geeeridii naxtinta laheyd ee ku timed ugaas C.raxmaan Ugaas khaliif,

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed hagar yuusuf dabageed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ugaaska waxana uu alla ugu baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaana ka siiyo umada soomaaliyed ee uu ka baxay ugaaska,

Ugaas cabdi raxmaan ugaas qaliif aya magaalada b.weyne waxa uu ka waday maalmahan shirweyne loogu magac daray samadoon 2 oo looga hadlayey aayaha iyo masiirka gobolka hiiraan waxaana manta lagu waday in uu soo xiro shirkaasi ugaas c/raxmaan ugaas qaliif.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-