{DHAGEYSO} Madaxweynaha Galmudug Oo Si Kulul Ugu Hadlay Booqashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Uu Ku Tagay Dhuusamareb

0
514

Madaxweynaha Maamul Goboledka Galmudug Cabdikariin xuseen guuled oo manta shir jaraaid ku qabtay magaalada cadaado ee xarunta ku melgaarka ah ee Galmudug ayaa ka hadlay boqashadii gudoomiyaha baarlamaanka uu ku tagay magaalada dhuusamareb ee xarunta Gobolka Galgaduud,

Cabdikariin Xuseen Guuled madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay booqashada Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed Sheikh cismaan jawaari uu ku tagay dhuusamareb waxana uu shegay in safarkaasi uu saameyn ku yelan karo wadahadaladii u dhaxeyay ahlusuna iyo maamulka Galmudug,

‘’waxa ka walaacsanahay boqashada jawaari uu ku tagay dhuusamareb waxana dhici karta in boqashadaasi ay saameysa rajadii laga lahaa wadahadalo dhexmara Dowlad Goboledka Galmudug iyo kooxda ahlusuna nabada guud ee dalka iyo in ay saameyso shirka lagu wado inuu ka dhaco Magaalada kismaayo,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn munayaasha baarlamaanka soomaaliya ugu baaqay in waxyaabahan oo kale ay sharciya ka soo saran isagoona boqashada jawaari ku tilmaamay mid aan laga fiirsan maadaama uu kamid yahay madaxdii dalka ugu sareysay dalka,

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha:-