{DHAGEYSO} Madaxweynaha Oo Madaxda Maamulada Ka Codsaday In La Isku Tanaasulo

0
366

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxda ka qeyb galeysa shir ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,kula dardaarmay iney fikiraan,islamarkaana shirka hada socda laga soo saaro wax wacquul ah oo u cuntamaya shacabka Soomaaliyeed kagana bixi karaan marxalada siyaasadeed ee hada lagu jiro.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh iney muhiim tahay in shaqsi waliba oo mas’uul ah kuna sugan shirka uu la yimaado aragti iyo karti dheer uu ku goyn karo go’aan mideysan si loo qanciyo shacabka Soomaaliyeed ee dhegaha kor u taagaya kana war dhowraya go’aanka rasmi ah ee ka soo bixi kara shirka madasha wadatashiga Qaran ee Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in talooyinka hada lagu go’aamiyo shirka la doonayo in shacabka wax wanaagsan u noqdaan sanadaha soo socda,isagoo dhanka kale tilmaamay in loo baahan yahay tanaasul badan la sameeyo.

Maalintii shalay ahayd,magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ee Jubba ka furmay shir ujeedkiisu au tahay shaacinta nuuca doorasho ee la doonayo iney dalka ka dhacdo sanadkaan 2016-ka.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:-