Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Dad Shacab ah Ku Duqeyay Gobolka Gado

0
518

Korneel Aadan Axmed Xirsi oo kamida Saraakiisha Ciidanka  Dowlada Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gado ayaa sheegay in duqeyntii diyaaradaha Dagaalka ee Dowlada Kenya ka geysteen Deegaano hoostaga Ceel-cadde ay ku dhinteen Dad yarid ah.

Waxaa uu sheegay Sarkaalkan in Hooyo iyo Cunugeeda ay Duqeyntaa ku dhinteen sidoo kalana ay jirto Xoolo aad u badan ay Duqeynta Saameyn ku yeelatay, waxaa uu intaas ku daray in Isgaarsiinta Gobolka aad u xun aanan la-ogaan karin khasaaraha rasmiga ah Balse Korneel Aadan ayaa tilmaay in mudadii Sagaalka Maalmood aheyd ee lasoo dhaafay ay duqeyn ka socotay Gobolka Gado taas oo ay ku dhinteen Dad ka badan 50 Qof halka tiro intaas kabana ay ku Barakeen.

Korneel Aadan Axmed Xirsi waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kenya ay sheegeen inay taageersan yihiin Duqeynta Gobolka Gado.

Duqeynta Gobolka Gado waxaa horay uga hadlay Maamulka Gobolka Gado, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwam ee Ururada Bulshada Rayidka waxaana ay sheegeen in Ficilada ay Kenya ku ka ceyso ay yihiin wax laga xumaado.