Diyaaradaha Dagaalka Oo Dul Heehaabaya Degaanka Ceel-cade

0
381

Degmada Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in Degmadaasi ay dul wareegayaan diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Kenya.

Diyaaradahaan ayaa la sheegayaa inay baadigoob ugu jiraan Askar Kenyan ah oo lagu la’yahay Duurka, islamarkaana aanan la ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan.

Askartaan in la waayo waxa ay ka dambeysay, kadib markii Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde ay Amisom ku leeyihiin, taasi oo keentay in Askarta qaar ay naftooda la baxsadaan oo duurka ay galaan.

Diyaaradaha oo dadka deegaanka ay ku sheegeen Dhowr ayaa la sheegayaa inay wareegayaan Duurka Degmada Ceelcadde si ay u raadiyaan Askarta maqan ee la la’yahay.

Waxaanan la kala ogeyn in Askarta maqan ay gacanta ku dhigeen Shabaabka iyo in Askartaan la dilay oo meydkooda meel lagu tuuray.

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa qirtay Weerarka ka dhacay Degmada Ceelcadde in looga dilay Askar ka tirsan Ciidanka dalkiisa ee Somaliya ku sugan.