Dowlada Keya Oo Loogu Baaqay Iney U Aar Gudo Ciidamada Lagu Dilay Ceel-cadeWaxa Ka Codsaneyna Oo Laga Co

0
410

Hogaamiyaha codka  aqlabiyada ku leh Barlamaanka Dalka Kenya Aden Duale ayaa si kulul u cambaareyay weerarkii Xarakada Al-shabab ay ku gashay saldhig ay ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayen Degmada Ceel Cade ee gobolka Gedo halkaa oo ay ku dilen tiro badan oo askarta Kenya ah kuwa kalana ay ku dhaawaceen.

Waxaa codkooda sidoo kale ku biiriyay Abdirahman Ali Hassan senaterka laga soo doorto Wajir iyo Yuusuf Hassan oo Kamukunji iyo Mohamed Yusuf Haji oo isagana ah senatar Garisa waxa ay dhamaantooda cadeeyen in ciidamada Kenya aysan kasoo bixi doonin dalka Soomaaliya.

Hogaamiyaasha oo xaafada Isli kula hadlay shacab badan oo Soomali ah ayaa sheegay in ay taagerayaan howlgalka xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya ayna ugu baaqayan hogaanka Militery ee Kenya in muddo 48-saacadood gudahooda ay Kenya jawaab aargudasho ah uga bixiso askarteeda lagu dilay Ceel Cade.

Aadan Ducale ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka bixin doonin ciidamada Kenya Somalia.

Waxa uu yiri “Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha Somalia waana sii wadi doonan ilaa iyo nabad ay ka noqoto Somalia”