Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay iney sii deyso Wariye u xiran

0
463

Hay’ada Difaacda Suxufiyiinta caalamka ayaa ugu baaqday Dowlada Soomaaliya in si deg deg ah ku sii deyso Wariye C/risaaq Cumar Ahmed ama ay shaaca ka qaado eedeymaha loo heysto.

 

Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka,ayaa xirtay C/risaaq oo ah Wariye madax banaan oo Qora Website si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo (Xog-maal),Bishii December 17,Xilli uu ku sugnaa meel ku dhow Hotel Jubba oo ku yaalo degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir,sida lagu yiri war ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee (NUSOJ).

 

” Dowlada Soomaaliya ayaa Wariye C/risaaq waxay ku heysaa Xabsi mudo 20-maalmood ah,iyadoo aan u keenin wax cadeymo oo la xiriira sharciga uu jabshay ,20-maalmood ah waa mudo dheer,” ayay tiri isku duwaha Barnaamijyada Africa Kooxda CPJ ee Sue Valentine,”Haddii ay jirto danbi uu ku kacay Wariye C/risaaq,Dowlada waa iney si deg deg ah shaaca ka qaadaa ama ay sii daayaan”.ayay hadalkeeda sii raacisay Ms Sue Valentine.

 

 

 

Wariye C/risaaq Cumar Axmed oo ah Wariye madax banaan ayaa lala xiray Wariye kale oo lagu magacaabo Abdukar Mohamed Ali oo u shaqeeya Star FM,basle Abuukar maalintii xigtay ayaa la sii daayay.

 

Xoghayaha Suxufitiinta Qaranka, Max’ed Ibraahim Bakistan ayaa sheegay in Wariyaha hada lagu hayo xarunta dhexe ee Hay’ada Nabad sugida oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

 

Soomaaliya aya alagu tiriyaa meelaha ugu qatarta badan ee Wariyaasha ay ka Howlgalaan,waxaana sanadihii ugu danbeeyay lagu dilay Wariyaal badan halka kuwo kale xabsiga la dhigay.