Dowladaha Mareykanka Iyo Iiraan Oo Is Dhaafsaday Maxaabis ay Kala Haysten

0
315

Saxafi ka howlgali jiray wargeyska Washington Post ayaa laga siidaayay Xabsi ku yaalla dalka Iraan oo mudooyinkii danbe ku xirnaa.

Saxafigaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Jason Rezaian waxa ayna sii deysmadiisu imaaday kadib markii ay Dowlada Mareykanka xabsi ka deysay Maxaabiis Iraan ah oo iyada u xirneyd.

Saxafigaani ayaa waxaa xabsiga ku wehlinaayay Seddex maxaabiis oo asalkooda uu yahay Iraan balse heystay dhalashada Mareykanka.

Dowlada Iraan ayaa fal Basaasnimo ku heshay Saxafi Jason Rezaian bishii November ee sanadkii hore, iyadoona dadaal dheer kadib suuragashay in Iraan ay ogolaato in Maxaabiistaasi ay ku bedelato maxaabiis kale oo u xirnaa Mareykanka.

Heshiiska lagu siidaayay Saxafiga iyo Seddexda kale ee ku wehlineysay Xabsiga ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Vienna iyadoo xukuumada Iran ay dadaal xoog leh ugu jirto in laga qaado cunoqabataynta dhaqaale.

Ugu danbeyntii Iraan ayaa deysmada Maxaabiistaasi sidoo kale ku dooneysa in Toban iyo Afar muwaadiniin u dhashay dalka Iran laga tirtiro liiska argagixiso oo ay hayso hay’ada Interpol.