Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka Soo Baxeyso Dagaal Dhexmaray Ciidamada Kala Taabacsan Soomaaliland iyo Khaatumo

0
594

Faah faahin dheraad ah ayaa ka soo baxeyso  dagaal deegaanka Kala-beyr ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidama kala taabacsan maamulada Somaliland iyo khaatumo.

Wararka  laga helayo Degaanka kala-beyr ayaa sheegaya in iska horimaadka halkaas ka dhacay uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Amniga Maamulka  Khaatumo  Kayse Cabdi Yuusuf  ayaa sheegay in ay dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliland afar kalana dhaawaceen. Hase yeeshee Wasiirka Amniga Khaatumo ayaa beeniyay in wax ciidamo kaga dhinteen dagaalkan balse waxa uu qiray in rag uu ugaga dhaawacmay dagaalka.

Dagaalka halkaa ka dhacay ayaa yimid ka dib markii ciidamada maamulka Khaatumo ay weerar ku qaadeen fariisamaha ciidanka Soomaaliland.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay maamulka la magac baxay Somaliland.