Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka Soo Baxeyso Dagaalkii Ka Qarxay Degaanka Ceel-cade Ee Gobolka Gado

0
281

Al-shabaab ayaa weerar  xoogan oo ismiidaamin ku bilowday ku qaaday fariisin ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceel-cade maanta oo jimco ah,Saraakiil ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidanka Dowlada ayaa sidaasi sheegay.

Al-shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay wal qarxaha ku dhiftay ilinka hore ee xarunta Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM,waxaana durba gudaha xarunta galay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo hubeysan kuwaasi rasaas bilaabay.

Deegaanka Ceel-cade oo dagaalka ka dhacay ayaa ku dhawaad 550-km dhanka Galbeed ka xiga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,wuxuu ku dhow yahay xuduuda Kenya.

“Dagaalyahanadeena ayaa gudaha u galay xarunta waxay rasaas xoogan is dhaafsadeen Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya,ka dibna waxay la wareegeen Fariisinka,”Sidaasi waxaa sheegay Sheikh Abdiasis Abu Musab oo ah Afhayeenka Howlgalada Al-shabaab oo la hadlay Reuters.
Dagaalka saakay aroortii bilowday ayaa la soo sheegayaa inuu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,kaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay,waxaana si dhab ah loo ogaan Karin intuu qasaaraha gaarsiisan yahay.