Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka Soo Baxeyso Werar Ka Dhacay Xeebta Liido

0
555

Faah faahin dheraad ah ayaa ka soo baxeyso weerarka lagu qaaday maqaayada Beach View ee magaalada muqdisho waxaana wali la maqlayaa Qaraxyo culus oo goobta ka dhacaya iyo rasaas daba socota.

Waxaa la sheegayaa in kooxaha hubeysan ee weerarka qaaday isqarxin gudaha maqaayada ka dhex bilaabeen,sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen.

Qaraxyada xoogooda ayaa laga maqlayaa qeybo ka tirsan Muqdisho,waxaana ciidamada amaanka Dowlada dadaal ugu jiraan sidii kooxaha hubeysan ee maqaayada weerarka ku qaaday uga taqalusi lahaayeen.

Qasaaro ayaa la tilmaamayaa inuu jiro,inkastoo tirada rasmiga ee dhimatay iyo kuwa dhaawaca aan la ogeyn,waxaana kooxaha gurmadka ay dadaal ku bixinayaan sidii dadka waxyeelobay gurmad loogu fidin lahaa.

Maqaayada Beach View oo dhabarka ku heysa Xeebta Liido oo dad badan u damaashaad tagaan ayaa caawa wax ay ka dhaceen,waxaana si dhab ah loo ogeyn cida ay ka tirsan yihiin kooxaha weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyada weerarada nuucani oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.

Waxii Warar ah kala soco Warar Kena Dambe Inshaa allaah:-