Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Guriga Hooyooyinka Ee Magalada Muqdisho Iyo Dad Ku dhintay

0
372

Abaaro 9:47  AM Subaxnimo ee Saaka ayaa Qarax uu Fuliyay Nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa waxaa uu ka dhacay Maqaayadda The Village oo ku taalla ka soo horjeedka Guriga Hooyooyinka Ee Dagmada Xamar weyne.

Inta la Og yahay 2 Qof ayaa ku dhimatay 4 kalena wey ku dhaawacmeen,waxaana Labada Ruux ee halkaa ku dhintay ku jira Ninkii Isqarxiyay.

Maqaaxida The Vilage ayaa waxaa inta badan iskugu yimaada Wariyaasha Muqdisho ka Howlgala intooda badan,kuwaas oo Xogaha ku kala qaata.

Ujeedka Qaraxa ayaa la aaminsan yahay inuu Ahaa Wariyaasha halkaa ku kala warqaata,iyadoo Xilliga Qaraxu uu dhacay ka hor ay joogeen Wariyaal badan oo ka badbaaday Qaraxa.

Qaar ka mid ah Wariyaasha ayaa Arkay Ninka Is qarxiyay,waxaana ay noo sheegeen sidaa”Ninka waan u jeednay wuu nala soo fariistay kadib ayaan Aragnay Ninka oo ay si dhaqso ah ugu qarxi waayeen waxii ku xirnaa,kadib waan ka Orodna dhaamaanten”sidaa waxaa yiri wariyaal ka badbaaday Qaraxa.