Faah faahino ka soo baxaya xariga Wariye Cabdi maalik loogu geystay Burco Kadib markii …

0
441

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon maanta magaalada Burco ee Gobolka Togdheere ugu geysteen Ciidamada Booliska magaaladaasi.

 

C/maalik ayaa waxaa loogu tagay goobtiisa Shaqada, waxaana Xafiiskii uu ku shaqeynaayay la wareegay ciidamada Booliska,wariyaha ayaa lala soo xiray suxufi kale oo Muuqaalada u duubi jiray.

 

Wariyaasha ku sugan magaalada Burco ayaa si weyn u cambaareeyay xariga Wariyaha,waxayna maamulka ugu baaqeen in wariyaha si sharuud la’aan ah lagu dii daayo.

 

Booliska ayaa ku eedeeyay Wariyaha la xiray inuu kaga dheereeyay xogta gabar lagu cunay magaaladaasi,waxaana falkaasi loo hayaa in Oromo ah oo hada Booliska gacanta ugu jira.

 

 

 

Suxufigan oo Gobolka Togdheer caan ka ah ayaa inta badan wuxuu baraha Bulshada soo dhigi jiray Muuqaalo ku saabsan arimaha Bulshada oo uu taageero badan ku lahaa.

wariye coldoon