Golaha Wasiirada Oo Kulankii Khamiislaha Ahaa Kaga Hadlay Werarkii Ceel-cade

0
511

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii Ceel-Cadde oo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo khasaare xoogan ka soo gaartay Ciidamada Kenya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa xusay in Bankiga dhexe uu bilaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, lana bixinayo labo bilood.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta golaha fulinta dowladda, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay ummadda u hayaan.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad guurada maalinta qorista Far-Soomaaliga, waxayna ku booriyeen shacabka in qof kasta oo Soomaali ah uu ku dadaalo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda hooyo.