Gudiga Arimaha Gudaha Ee Baarlamaanka ”Waa La Xisaabtami Dona R/Wasaaraha Iyo Wasiirka A.Gudaha

0
537

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in dhawaan ay Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka kala hadleen sababta loo ansixi la’yahay sharciga Xisbiyada dalka oo horyaala Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka,balse wuxuu sheegay Mr Amiin in wax jawaab ah Wasiir Odawaa arimahaasi ka siin.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga arimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya in xarunta Golaha Shacabka looga yeeray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa si wax looga weydiiyo arinta xisbiyada dalka,sababta sharciga loo ansixi la’yahay iyo waxyaabaha hortaagan.

Inta badan Xisbiyada dalka ka jira ayaa dhawaan dacwad ka dhan ah Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiir Odawaa u gudbiyay Maxkamada sare ee dalka uu madaxda ka yahay Ceydiid Ilka Xanaf,waxayna Xisbiyada cabashooda ku sheegeen iney tahay sababta wali loo ansixi la’yahay sharciga Xisbiyada.

Daahir Amiin Jeesow ayaa arin muhiim ah ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay meel mariso sharciga Xisbiyada dalka si doorasho xalaal ah loo gaaro sanadkaan dhamaadkiisa oo ku eg waqtiga Dowladda hada jirta ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.