Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo sheegey in xildhibaan ka tirsan galmudug lagu dilay qaraxii xeebta liido

0
575

Weerarkii xalay lagu qaaday Baararka Beach View iyo Liido Sea Food ee kuyaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa dadkii ku dhitay waxaa kamid ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Bille Maxamuud Diiriye oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay in uu kamid noqday dadkii tirada badnaa ee ku dhintay Weerarkii kooxo katirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen Xeebta Liido.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii xalay ka dhacay Xeebta Liido, waxa uuna tacsi u diray umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ay eheladooda ku dhinteen Weerarkii xalay dhacay.

Mudane Cali Gacal Casir ayaa si gaar ah tacsi ugu diray Shacabka Galmudug gaar ahaan ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Xildhibaan Bille Maxamuud Diire oo xalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday baarar kuyaala xeebta Liido.

”Waxaan tacsi u dirayaa Ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido, waxaana si gaar ah tacsi ugu diraya Ehelada iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Bille Maxamuud Diire oo xalay kamid noqday dadkii lagu dilay Xeebta Liido”Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir.

Weerarkii xalay lagu qaaday Baarar kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 30-qof oo u badnaa shacab , waxaana weerarkan masuuliyadiisa dusha saartay dagaalyahanada hubeesan ee Al-Shabaab.