Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfor Galbeed Oo Goordhaw Lagu Dortay Baydhabo

0
328

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kadib doorasho halkaasi ka dhacday.

Xildhibaano gaaraya 149-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo xaadiray kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku tartamayeen labo Musharax.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku tartamayay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa iyo Cismaan Cali Xasan , waxaana xarunta doorashada ka dhaceysa ku sugnaa Masuuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.

Wareegii koowaad ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu kala baxay sida ay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada Doorashada maanta ka dhaceysay Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa oo helay codad gaaraya 109-cod halka musharaxa kale Cismaan Cali Xasan uu isna helay codad gaaraya 33-cod.

Waxaana goordhaw la filayaa in guda galo Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.