Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay hadda Maamulaan Ahlusunna Waljamaaca.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa halkaa u tagaya sida Wararku nagu soo gaarayaan sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka socotaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.