IGAD oo sheegtay in waqti kordhin aaney sameysan karin Dowladda Soomaaliya

0
324

Wakiilka Arimaha IGAD ee dalka Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan sameyn karin muddo kororsi.

Afeey wuxuu sheegay arintaasi inay go’aan cad ay ka gaartay Beesha caalamka, islamarkaana aysan jirin wax muddo kororsi ah oo loo sameynaayo Madaxweynaha.

“Arintaasi wax ku darista go’aan waxaa ka gaaray Beesha caalamka Muddo hada sanad laga joogo ayaa laga gaaray waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Wax IGAD ay gaartay ma’ahan wax aniga Shaqsi ahaan Maxamed aan gaaray ma’ahan waxaa qaraarka uu ahaa go’aankana uu ahaa Beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed lama soo dhaweyn doono in Hay’adaha hada dhisan waqti loogu daro, si ay ugu darsan karaana iima muuqato,” Ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Tani ayaa meesha ka saareysa hadal hayn badan oo laga soo warinaayay Shirka Kismaayo iyo in madaxda Dowladda Somaliya ay dalbadeen in muddo kororsi loo sameyo.

Shirka ay ku hadlayaan Madaxda Somalida ayaa weli ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, welina go’aano cad cad shirkaasi kama aysan soo bixin.