Isbahaysiga haya talada Wadanka Jabuuti – UMP oo Madaxweyne Geelle u Magacaabay Musharaxooda Doorashooyinka Jabuti

0
702

Isbahaysiga haya Talada Jabuuti ee UMP ayaa xalay u doortay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay musharraxa ugu qayb-galaya tartanka doorashada madaxweynennimo ee dalka Jabuuti ka dhici doona sannadkan 2016-ka.

 

 

Dhawaan ayaa Madaxweynaha Jabuuti sheegay inuu doonayo in hoggaanka Jabuuti uu mar kale isku soo taago, isagoo xilka Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 1999-kii, iyadoo Xafladda looga dhawaaqay arrintan ay goob-joog ka ahaayeen inta badan taageerayaasha isbahaysiga UMP.

Xafladdan ayaa ahayd mid ballaaran oo lagu sheegay inuu yahay shir-weynihii Isbahaysiga UMP, iyadoo shanta xisbi ee isbahaysigan ku bahoobay ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Geelle uu yahay mushrraxooda uga qaybgalaya doorashooyinka madaxweynenimada.

Sidoo kale, Taageerayaashii isbahaysiga UMP ee shir-weynahan goob-joogga ka ahaa ayaa watay sawirka madaxweyne Geelle iyo boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku Taageerayaan go’aanka ku saabsan murashaxa uga qayb-gelaya doorashada Jabuuti ka dhici doona.

Doorashada madaxnimo ee dalka Jabuuti ayaa waxay dhici doonaan 08-da bisha Abriil ee sannadkan 2016-ka, maalintaas oo ku beegan Jimce, iyadoo aysan weli isbahaysiga USN ee mucaaradka ah soo xulan murashaxii uga qayb-geli lahaa doorashada, mana cadda inay doorashada ka qayb-galayaan iyo in kale.

Balse, Wakiilka isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee Waqooyiga Ameerika, Aadan Xaashi oo u Warramay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in haddii ay arkaan nidaam doorasho oo sax ah oo Jabuuti ka jira ay magacaabi doonaan musharraxa uga qayb-gelaya doorashada.

Aaadn Xaashi ayaa sheegay in Jabuuti aysan xilligaan ka jirin nidaam doorasho oo la isku halleyn karo, isagoo Madaxweynaha Dalka Jabuuti iyo Taageerayaasha ku eedeeyay inay awoodda dalka oo dhan maroorsadeen.

Mar la weydiiyay Wakiilka isbahaysiga Mucaaradka ah ee Jabuuti, waxa ka hortaagan inay murashaxii uga qaybgeli lahaa doorashada madaxnimo diyaarsadaan, maadaama uu xilligu yar yahay, ayuu kaga jawaabay.

“Doorashada waxaa ka horreeya in nidaam la helo, waayo waa la socotaan wixii ka dhacay doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee Jabuuti ka dhacay sannnadkii 2013, iyadoo markii ay isbahaysiga mucaaradku aqlabiyada ku guuleysteen ay xukuumaddu ku shubatay – oo ay tiri innagaa badinnay, marka nidaam kala saaraya ma jiro. Waxaana lagu heshiiyay in laga wada-hadlo arrintaas, balse madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka baxay.”

Ugu dabmeyn, Aadan Xaashi ayaa sheegay in go’aankoodu yahay in inta ay ka arkayaan in Jabuuti laga hirgeliyo Nidaam doorasho oo dhab ah; aysan ku dhawaaqi doonin Murashaxa uga qaybgalaya doorashada. Wuxuuna intaa ku daray in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay magaalada Washington dibadbax ay kusoo bandhigayaan go’aankooda dhabta ah.