Kenya oo ciidamo Dheeraad ah soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya

0
482

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lixaad leh oo ah ciidamada Milatariga Kenya ay gudaha u soo galeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyagoo ka soo gudbay xadka labada dal.

Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay usii wadaan baadi-goobka iyo badbaadinta ciidamo dowlada Kenya ku weysay dagaalkii Ceel-cadde, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada difaaca dalka Kenya Samson Mwathethe oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada Kenya usoo dirtay dalka Soomaaliya oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada ayaa kasoo gudbay dhanka xuduuda si ay howlgal kaga sameeyaan deegaanka Ceel-cadde iyo deegaanada kale ee ku yaala gobolka Gedo.

“Ciidamadii ugu dambeeyay ee dhulka kana tirsan guutada dhulka oo ujeedadooda tahay iney la dagaalamaan kana guuleystaan Alshabaab ayaa kusii jeeda Ceel-cadde, si ay u xoojiyaan ciidamo kale oo Kenyan ah oo baadi doon ugu jiro saraakiil gacanta Alshabaab ku jiro,”ayuu yiri taliyaha ciidamada Kenya.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inay xitaa gobolada kale ee dalka Soomaaliya u gudbi doonaan haddii firxadka Alshabaab ay u gudbaan gobolo kale.

Ciidamada Kenya ayaa khasaaro xoog leh waxa  uu ka soo gaaray dagaalkii deegaanka Ceel-cadde ayaa duqeymo badan oo dad rayid ah waxyeelo ay kasoo gaartay ka fuliyay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.