
Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa faajignaan dheeri ah geliyay magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Gedo seddex maalin ka hor.
Laamaha amaanka ee degmada Wajeer ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab la aamisan yahay in lagu arkay hareeraha magaalada Wajeer, taasi oo loo baqay iney weeraro ka geystaan magaalada Wajeer.
Gudoomiyaha magaalada Wajer Michael Ole Tialal, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay ku arkeen xubno Alshabaab ka tirsan deegaanka Welmerer oo 70 km u jira magaalada Wajeer ee dalka Kenya.
Kooxdaasi hubeysan ayaa la sheegey iney doonayaan iney weeraro ka geystaan magaalada Wajeer iyo deegaanada ku xeeran taasi oo keentay in heegan la geliyo ciidamada amaanka ee magaalada Wajeer.
“Waxaan helnaay warbixinada la xirira in Alshabaab ay joogaan meel magaalada aan ka fogeyn, waxayn joogayaaan kooxda iney rijaabiyaan feejignaanteena amaan, waxaan hadda magaalada ku jirtaa xaalad feejignaan dheeri ah”ayuu yiri gudoomiyaha Wajeer.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay iney ka warhayaan in hubno ka tirsan Alshabaab ay ku sugan yihiin agagaarka deegaanka Kutulo ee dalka Kenya, isagoo sidoo kale cadeeyay in Alshabaab qaarkood ay soo galayaan xeryaha qaxootiga maadaama dhexdooda uu haatan qilaaf ka jir