Kenya oo ku eedeeysay mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed inay gacan ka geysateen weerarkii deegaanka Ceelcade

0
412

Gudi ay dowlada Kenya u magacawday inay baaraan weerarki lagu qaaday xerada ciidanka Kenya ee deegeenka Ceelcade ee gobolka Gedo todobaadki hore ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan  inay gacan kageysatay weerarkaasi kooxda Al-Shabaab kuqaaday xeradaasi.

Sida uu qoray wargeyska The Standard ee kaso baxa wadanka Kenya, horudhac baaritaan oo uu sameeyay gudiga ayaa lagu ogaaday  in sadex kamid ah askarta Kenya oo ka baxsatay weerarkaasi oo uu gurigiisa kuqariyay qof deegaanka mardanbe la dilay kadib markii sida wargeysku sheegay Alshabab dadka deegaanku ay ku wargaliyeen joogitaanka askartaasi.

Wargeyska ayaa sheegay in kooxda weerarkaasi baareysa ay maalintii Khamiista ahayd tageen xeradii ciidanka lagu weeraray isla markaana la filayo inay warbixin ku saabsan qaabka weerarku u dhacay ugudbiyaan abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee wadanka Kenya Samsom Mwathethe.

Wargeyska ayaanan faafaahim dheeraad ah kabixin eedeeymaha dowladu ujeedisay beesha Mareexaan.

Gudigan cusub ayaa la sheegay inuu baaritaan kusameyn doono doorkii ay kulahaayeen beelaha deegaanka daga weerarka iyo hadii uu jiray wax dayac ah oo dhanka ciidamada kayimid iyo hadii sidoo kale hadii ay jireen digniino loo jeediyay askarta kahor inta aanu weerarkaasi lagu qaadin.

Saldhiga ciidanka Kenya ay kulahaayeen deegaanka Ceelcade ayaa ahaa saldhigii sadexaad ee ay Al-Shabaab lawareegaan mudo 7 bilood gudahood ah isla markaana ay kudilaan tiro katirsan ciidanka midawga Africa.

Dowlada Kenya ayaanan ilaa hada kahadlin qasaaraha weerarkaasi iyado kooxda Al-Shabaab ay sheegatay in tiro ka badan 100 askari ay ku dileen weerarkaasi.