Kenya Oo Soo Saartay Caga Jugleen Ku Saabsan Weerarkii Shabaab ka Geystaann Ceel Cadde

0
383

Taliska ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniino ku wajahan shacabka Kenyan-ka ah, iyagoo uga digay in ka feejignaadaan weerar argagixiso oo dalkaasi ka dhaca.

Arintaan ayaa ka dambeysay markii xoogag ka tirsan Shabaab shalay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Midowga Africa ee Amisom gaar ahaan kuwa dalka Kenya ku leeyihiin Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in dhacdadii shalay ka dhacday Degmada Ceelcadde ay muujineyso sida ay Shabaabka ugu heelan yihiin in ay waxyeello ka geystaan dalka Kenya gudihiisa, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la iska kaashado ka hor tagidda dhaqdhaqaaqyadaasi.

Mr Owino ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada ammaanka ay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo nabad galyada lagu xoojinayo, islamarkaana baaritaanno xoogan lagu sameyn doono dhamaan gaadiidka, xitaa kuwa ay isticmaalaan ciidamada Booliska, si aan hub sharci darro ah loogu qaadin.

Weerarkii shalay ka dhacay Ceelcade oo lasoo tabiyay in uu Khasaare ka dhashay ayaa lagu dilay tiro aan cayimin oo ka tirsan ciidamada Millatariga Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa isla xalayba ka hadlay arrintaas, waxaana uu tacsi u diray qoysaska ay kasoo jeedaan askarta Kenya ee dhimatay.