Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Lagu Heshiisinayo Magaalada Kismaayo

0
515

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Kismaayo Kulan Heshiisiin ah iskugu keenay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Kan Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka oo Saxaafaddu ay dibadda ka joogtay ayaa ahaa mid Labada Madaxweyne lagu heshiisiinayo iyo Tabashooyin  ay kala qabaan Maamulada dariska ah ee Puntland iyo Galmudug.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in Gogol lagu heshiisiinayo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay taalo Magaalada Kismaayo islamarkaana Jubbaland ay Gogoshaasi Fidisay.

Sidoo kale Kulamadasi Labada Madaxweyne ay isku Saamaxayaan ayaa waxaa goobjoog ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo halkaa u jooga in ay ka qeyb galaan Shirka Madasha Qaran ee Kismaayo ka furmi doona Bari oo Talaado ah.

Madaxweynaha  Puntland iyo Madaxweyanha Galmudug ayaa Bishii hore ee December ku Saxiixday Gaalkacyo Heshiis lagu Nabadeynayo Bulshada Gobolka Mudug.