Maamulka Bakool Sare Oo Wacad Ku Maray Inuu Wada Hadal Lagali Doonin Maamulka K/Galbeed

0
393

Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare oo looga dhawaaqey Sadex degmo oo kamid ah gobalka Bakool Axmed Mashruuc ayaa si adag uga hor yimid in ay la kulmaan M/weynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, wuxuuna cadeeyey in ay u aqoonsan yihiin Shariif Xassan maamul deriskooda ah ayna dhawrayaan daris wanaag, hadii laga helo dhinaca Koonfur Galbeed.

Mudane mashruuc oo la weydiiyay hadii la xaliyo cabashadii ay ka muujinayeen maamulka Koonfur Galbeed in ay wada hadal galayaan, ayuu sheegay in aysan yeeleyn wax wada hadal ah, ayna dadka deegaanadaas,

Madaxweyne Mashruuc wuxuu sheegay in aysan waxba shaqo ah ku laheyn dhismaha maamulkooda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in ay u arkayaan labadaas maamul kuwa ay dadkii lahaa dhisteen Bakool Sarre-na uu kuwaas la mid yahay.