Maamulka Puntland Oo ka hadLay go’aanka dowladda Federalka xiriirka ugu jartay Iiraan

0
291

Dawlada fadaraalka Soomaaliya dhawaan Waxay ku Dhawaaqday in ay xiriikii Diblumaasiyadeed lalahayd ay ujartay Dalka Iiraan oo safiiro ay ka joogeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kaddib baaritaan dhab ah oo ay sameeyay Dawlada , laguna ogaaday in Iraan ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Waa sida War saxaafadeedka lagu sheegay,

Haddaba Markii ugu horreysay waxaa go,aankaasi ka hadashay maamulka  puntland wasiirdawlaha Madaxtooyada iyo Xiriir Gobolada puntland. Bashiir Xaaji [Cabdiraxmaan Gurxan .]oo la hadlay warbaahinta  ayaa kahadlay Saamaynta talababadaas ay kuyeelanayso Xiriirkii labada dal.

Bashiir Xaaji Cabdiraxmaan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka gobalada Puntland ayaa Sheegay in Dalka Iiraan ay ku xiranyihii Muwaadiniin udhashay puntlaand ayna saamayn ku yeelan doono talaabada ay dowladda federalka xiriirka ugu jartay Iiraan.