Macalin wax ka dhiga Iskuul Kenya oo 20-sano lagu xukumay kadib markii lagu helay …………………….

0
513

Maxkamada ku taalo Kenya ayaa danbi ah inuu ardaydiisa barayay Xagjirnimo iyo arimaha Jihaadka ku heshay Macalin Iskuul islaami ah wax ka dhiga,waxaana Maxkamada ay ku xukuntay 20-sano oo Xabsi ah.

Qaadiga Maxkamada oo lagu magacaabo Diana Mochache,ayaa sheegay in ninka la yiraahdo Samwel Wanjala Wabwile,sidoo kalena loo yaqaano Salim Mohammed lagu helay danbi ah xagjireyn ardayda wax ka barata Dugsiga Hoose/dhexe ee Gotani.

Sidoo kale,Mr Mochache,ayaa sheegay in Macalin Wabwile,Masjid ku yaalo Tuulada Gotani uu si qarsoodi ah ugu faafinayo ama kor ugu qaadayay Howlaha wuxuu ugu yeeray Xagjirnimada,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidanka amaanka Howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen Macalinka ardiisa barayay Howlaha argagixisada,sida uu Qaadiga Kenya hadalka u dhigay.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta dad Qorista Shabaab ay ka wadaan wadanka Bariga Africa ku yaalo ee Kenya,waxayna hada dadaal ugu jirtaa sidii isaga difaaca lahayd Kooxda Dowlada Islaamiga Daacish.

Al-shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo dadi badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ku qaaday dalka Kenya,ka dib markii ciidanka Kenya ay u soo talaabeen Soomaaliya.