waxaa maanta magalada beledweyne soo gaaray maxadax dhaqameedkii ugu badnaa mudooyinkan danbe soo gaaro beledweyne waxana ay u yimaadeen geerida naxdimta laheyd ee ku timid ugaas cabdi raxmaan ugaas khaliif oo shalay allah u naxariistee ku geeriyooday beledweyne
waxana ay ahaayeen 16 tobon ugaas oo kala ahaa
ugaas cabdullahi ugaas xaanshi
ugaas cabdi raxmaan ugaas cali
ugaas maxamuud iiman yuusuf cali
ugaas maxamed cali ugaas
ugaas cabdullahi ugaas saalax
ugaas abuukar ugaas xassan
malaaq cali malaaq muxumed
ugaas tahliil ugaas maxamed
ugaas cali ugaas xassan
ugaas cabdi xakiin ugaas maxamuud
ugaas cali ugaas maxamud ugaas shafici
ugaas cismaan ugaas ali
suldaan buube suldaan cabdulle
garaad xasan garaad maxamud
dhamaan madax dhaqameed kaasi waxa ay beledweyne u yimideen ka qeyb qaadashada aaska allaha u naxariistee ugaas cabdi raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble oo lagu wado in lagu aaso deegaanka daaro ugaas oo kamida deegaanka halgan ee degmada buulo burte ee gobolka hiiraan